Boggan waxaa markii ugu dambaysay la cusbooneysiiyay 5/25/2020. Wixii cusbooneysiin ah taariikhdaas kadib, fadlan tag bogga Ingiriisiga.
- English (English),
- አማርኛ (Amharic),
- العربية (Arabic),
- မြန်မာစာ (Burmese),
- 简体中文 (Chinese),
- 繁體中文 (Chinese (Traditional)),
- فارسی (Farsi),
- Français (French),
- Italiano (Italian),
- 日本語 (Japanese),
- Ikinyarwanda (Kinyarwanda),
- 한국어 (Korean),
- Português (Portuguese, Brazil),
- Русский (Russian),
- Español (Spanish),
- Kiswahili (Swahili),
- Tagalog (Tagalog),
- ไทย (Thai),
- Türkçe (Turkish),
- Українська (Ukrainian),
- اردو (Urdu),
- Tiếng Việt (Vietnamese)
Baro waxa aan dhamaantena semeyn karno si aan u caafimaad qabo. Soo ogow sida aan nafteenna iyo dadka kale uga ilaalin karno caabuqa. Fahan xeerarka iyo waxa la sameeyo. Raadi xeerarka gobolkaaga.
Fayraska waa mid aad u faafo (u fudud in la qaado). Qof walbo wuxuu ku jiraa halis in uu qaado caabuqqa isla markaana qaadsiiyo dadka kale.
- Marka qof caabuqqa qabo uu hindhiso ama qunfaco, waxey soo daadnayaan dhibco yaryar (dhibac yar oo qoyaan ah) gudaha ugu jiro fayraska.
- dhibaha Waxay ku dhici karaan afka, indhaha, ama sanka qofka ka akdhow waxayna u gudbi karaan sambabada. Tani waa qaabka ugu weyn ee fayraska uu ku faafo.
- Dhibaha waxay sidoo kale ku dhici karaan dharka ama oogada kale. Marka uu qof kale taabto oogada, waxay qaadi karaan caabuqqa.
- Fayraska wuxuu ku jiri karaa dhecaanka neefta dhax roora (walxo yar-yar oo ilma aragtay ah) oo ee aan neefsano. Waxaa surto-gal ah in uu qof kale hawo ku qaadan dhecaanka neefta dhax roora ee qof caabuqqa qaba uu qaadi karo fayraska.

Daawo fiidiyow ku saabsan sida loga badbaado COVID-19
- Fiiri fiidiyowgaan oo ah Arabic, Arakanese, Burmese, English, French, Karen, Karenni, Nepali, Pashto, Russian, Spanish, iyo Swahili. Waad ku mahadsantihiin fiidiyowgan jawaab-celinta Qaxootiga.
- Ku daawo fiidiyow luqaddahan Bosnian, Dinka, Kirundi, Maay Maay, Vietnamese iyo Luqadda Calaamadaha Ameerikaanka. Waad ku mahadsantahay Howlagallada Coronavirus ee Afafka Weyn ee fiidiyowyadan.
- Ku daawo fiidiyow luqaddahan Amxaari ama Hindi. Xafiiska caalamiyeenta Kentucky waad ku mahadsantihiin fiidiyowyadan.
- Ku daawo fiidiyow Cantonese/dhaqanka Shiinaha, Mandarin/Shiinaha oo la fududeeyey, mise Tigrinya. Waad ku mahadsantahay Multnomah County fiidiyowyadan.
Sida aad u ahaatid qof caafimaad qabo
Labada arrimood ee ugufiican ee aad sameyn karto si aan u ilaalinno nafteena iyo kuwa kaleba waa in gacmahaaga dhaqdo iyo Ka fogow dadka kale. Haddii aan dhamaanteen ka shaqeyno si aan caafimaad qabno, waxaan sidoo kale caawimeynaa qofkastoo kale. Kuwani waa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad u caafimaad qabtid.
- gacmahaaga had iyo jeer ku maydh saabuun iyo biyo.
- Dhaq gacmahaaga ka dib markaad taabato oogo ama wax yaabaa dadka kale taabtaan.
- Gacmahaaga dhaqdo ugu yaraan 20 sekan.
- Sidoo kale dhaq dhabar gacmahaaga iyo ciddiyahaaga hoostooda.
- Haddii aadan isticmaali karin saabuun iyo biyo, isticmaal gacmo nadiifiye.
- Ogow macluumaadka gacmo dhaqashada oo ku qoran luqado badan.
- Guriga joog oo carruurta guriga ku hayso haddii qof gurigaaga ka mid ahi jiran yahay sick ama laga helo curdurka COVID-19.
- Haddii aad dooneysid inad dibadda aaddo, ku dhaqan “kala fogaashada” adiga oo ka fogaanaayo 6 fiit (2 mitir) qof kasto oo aadan la nooleen. Ku dhax Samee dukaanka raashiinka iyo markaad mareyso waddada.
- Ka fogow booqasha saaxibada iyo deriska. Ka fogow isku Imashaha Bulshada dadweynaha iskuna dey inad socdaaladaada dukaameysiga ku koobto hal jeer sitimaanki ama ka yar.
- Ha safrin hadii aadan ka maarmi Karin.
- ka fagow gaadiidka dadweynaha intaad awooddo.
- Ha booqan dadka waaween ama xanuunsan, kuwaaso oo aad halis ugu ah .
- Ka hel macluumaadka kala-fogaashaha bulshada ee luqaddo badan.
Wajigaaga, Sankaaga, iyo Indhahaaga waa halka uu badanaa fayraska jirkaaga ka galo. Waxaad naftaada ku badbaadin kartaa sharuuc fudud.
- Ha taaban wejigaaga markaad dibadda gurigaaga joogto.
- haddii taabatid walxo gurigaaga dibaddiisa, hataaban wajigaaga markaad guriga timmaaddo adigoon dhaqin gacmahaaga.
- Gacantaada ha ku daboolin afkaaga iyo sankaaga markii aad hindhisto ama qufacdo. Isticmaal warqad kadina tuur. Haddii aadan warqad haysan, ku qufac ama ku hindhiso suxulkaaga bedelka gacantaada.
- Xirashada maskarada waxay kaa caawimeysaa xasuusinta inadaan wajigaaga taaban.
Xirnaashada maskaraatada Waxay yareyneesaa faafidda fayraska.
CDC ayaa oraneyso haddii dadka ku daboolaan sankooda iyo afafkooda maro waji-dabool ah am maskaraato marka ay joogaan goobaha dadweynaha, waaxay gacan-ka-geesan kartaa hoos u dhaca faafitaanka fayraska. Tan waxaa u sabab ah in fayraska faafo marka qof fayraska qabo qufaco ama hindhiso af-daboolka waxay ka caawineysaa xaqiijinta in dhacaanka u gudbin meel dheer.
Waxaa jira noocyo kala diwan oo maskaraato ah.
Maskaraatooyinka aan inteena badan xirano xiligan xaaladda degdega ah ee koronafayras waxaa laga sameeyay suuf ama dun kale. Waxay yihiinma aha maaskaro caafimaad oo ay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku u baahan yihiin inay amaan ahaadaan.
Way adag tahay in la helo maaskaro la iibsado.
Haddii aadan iibsani karin maskaraatooyin, adiga ayaa sameesan karo. Haddii aadan sameesan karin maskaraatooyin, waxaad isticmaali kartaa go maro ah kasoo daboolaayo afkaaga iyo sankaaga.
Xirashada maskaraatooyin kaama hor istaageyso qaadidda COVID-19.
Waxaad wali ubaahantahay inaad ilaaliso kala fogasha masaafadaada. Laakiin maaskaradu waxay gacan ka geystaan joojinta dadka faafitaanka fayraska ka hor intaysan ogaanin inay cudurka qabaan. Waxay si qaas ahaan ah muhiim u noqon karaan meelaha ay adag tahay in dadka kale laga fogaado, sida dukaamada raashiinka.
COVID-19 waxaa u ku faafin karo dadka aan laheen astaamo udurka.
Waxay ku qaadan kartaa dadka qaarkood ilaa labo usbuuc inay yeeshaan astaamaha udurka soo bixiyaan qaarna ma lahan wax astaan ah gabi ahaan laakiin wali way faafin karaan fayraska. Xirashada maskaraatada way caawisaa joojinta faafka fayraska isagoo yareynaayo caddadka jeermiska ee aan wadaagno.
Maskaraatada ahaato mid nadiif ah.
Maskaraatada waa in la meyro kadib xili kasto oo aad xirato haddii aad awooddo.
Ha u xirin maskaraato qof aan iska furi karin.
CDC waxay leedahay maaskaro waa in aadan u xirin caruurta ka yar 2 sano ama dadka aan iska saari karin maskarada kaligood hadii ay u baahdaan.
- Haku marti qaadin/galin wax marti ah gurigaada. Haduu qof albaabkaaga yimaadom Isku day inaad ka fogaato ugu yaraan 6 talaabo.
- Marwalaba iska nadiifi meela aad mar walba taabankarto.
- isticmaal dareeraha lagula dagaalamo jeermiska dilaaga ah. Hadii aadan haysan dareeraha lagula dagaalamo jeermiska, waa samaysan kartaa. Isku qas afar qaado oo wrankiilo ah iyo rubuc litir biyo ah.
- Haduu qof kamid ah qoyskaaga uu xanuunsado, isku day in meel gooni ah lagu baxnaaniyo. iska nadiifiso wax walbo ay soo taabteen. Isku day inaad hesho marada sanka iyo afkaba lagu xidho/ maaskaro ama aad adigaba samaysato.
- K ilaali/ fogeee xayawaamkaada dadka kalo.
- Samayso liis taleefona ah hadii wax dagdag ah uu kugu yimaado aad laxiriiri karto. Liiskaas ood kudarsanayso taleefonka maamulka caafimaadka ee goobta aad dagantahay , dhakhtarkaaga ama kan xarunta caafimaadka , kan shaqada, iyo iskuulka caruurtaada. Waxaad ku darsataa taleefanada gudiga gurmadka ee degaanka iyo kuwa saaxiibadaa saad u la xiriirto hadii aad xanuunsato.
CDC waxay tiri, “dadka waaweyn iyo kuwa qaba xanuunada qatarta ah da’walba ha ahadeene ayay ubadadantahay inay ku timaado khatarta ugu daran inuu xanuunkaCOVID-19. ” aad u waxyeeleeyo.”
Kan micnihiisa maxaa waayo? Kan waxaa waayo dadka qaar khatarta ugu daran ay soo food saarayso xanuunkuna aad usaamaynayo:
- Dadka 65 jirka ah ama kawayn
- Dadka kunool guryaha kalkaalisooyinka ama dadka da’da ah ee kunoonl guryaha lagu xanaaneeyo dadka waawayn
- Dadka qabo xaalado caamifaad daro sida xanuunka kansarka, sanbabada qofka kajiran, kalaya xanuunka, wadna xanuunka, dadka qaba macaanka/sokorta
- Dadka difaaca jirkoodu uu hooseeyo am qaba xanuunka HIV
- Dadka aadka ubuur buuran/culus
- Dadka sigaarka caba
Intaa aan soo sheegnay wax maka soo galaysaa? Khatar badan baad ugu jirtaa xanuunkan. Isku day markaas inaad kafogaato dadka kale ilaa intii suura gal ah. Tusaale, dukaamada qaar waxay leeyihiin saacado ugaara dadka ay soo food saari karto khatarta ugu badan. Hadii uu qof kuu keeno cunto waa inay kuu dhigaan daarada sare/banaanka ee guriga.
Xaaladan iskarantiilka ah waa mid aad u adag. Xiligan aadka u adag waa waqtigii aan ugu baahibadnay in aan qowska iyo saaxibada aan booqano iyo wax kasii badanba. Laakin waxaa haboon in aad kaxiriirto taleefonkaada xiligan hada lajoogo.
Dadkuna inta badan waxa ay nasiiyaan warbixino ay meel ka’arkeen lama ay maqleen waayo waxa ay rabaan inay wax taraan oo caawiyaan! Xilayada uu argagaxa uu jiro, warbixin khaldan –ama loo yaqaan marin habaabinta ama khuraafaadka –ayaa waxay si dhakhso leh ugu faafi kartaa baraha bulshada. Daawo qaarkamid ah fiidiyoyada/muuqaalada caanka ah ee kusalaysan warbixinta aan xaqiiqda ahayn ee khuraafaadka ah kanabaro sidaad u ilaaliso badbaadadaada adoo haysta warbixnta saxda ah.
Waa qatar inaad gudbiso warbixin khaldan dhanka dawaynta iyo kahortaga xanuunkan COVID-19. Hadii aad bixinayso waxtalo siin ah dadka akhbaar ka’imaanayso rugta caafimaadka ee goobta aad dagantahay ama warbixinta ay soo saarto xarunta ladagaalanka cudurada CDC.
Bilowgii hore ee xaalada dagdaga ah lagu dhawaaqay coronavirus awgii, dadka badan ayaa cabsi ku abuurmatay waxayna sidookale soo iibsadeen waxayaalo badan. Dukaamada durbadii waxaa kadhamaada badeecada aasaasiga ah/waxii ay hayeen. Iyadoo aysan muhumada ahayn inaan iska qaadana wax badanoo aynan ubaahneen, hadana inaad iska sii diyaar garowda wayfiicantahay. Hadii ay suuro gal tahay, isku day inaad haysato inkufilan waxii guriga looga baahnaa iyo wixii cunto ah ilaa laba isbuuc. Markaa waxaad noqonaysaa qof diyaar garoobay hadiiba aad xanuunsato lama bakhaaradii raashinkaba la xiro.
Halkan waxaan kuugu soo godbinaynaa wax yaalaha muhimka ah in aad ibsatan ay mudan tahay:
- Digirta nooca qalalan, cadaska, baastada, miraha haruurka ah
- Miraha gasacadaysan, khudaarta, iyo digirta
- Rootiga (talaagadana waad gashan kartaa si’uu u ahaado mid aan isbadalin/cusub)
- Hilibka labarafeeyay, kaluun, khudaar iyo miro
Dhamaan cuntadaan aan soo sheegnay ilaa waqti ayay joogi kartaa.
Marwalba ilaali naftaada iyo dareenkaaga
Dhibka caabuqan coronavirus waa mid saameenaayo qof walba. Dadka badankooda waxay dareemayaan cabsi iyo dad badana waxay dareemayaan kalinimo. Hadii aad ku cusubtahay maraykanka/USA, way kasiidarantahay. waa inaad barataa luqado kal duwan aadna fahantaa dhaqamo kaladuwanba. Waxaa laga yaabaa in ay reerkiina kaa maqanyihiin/fogyihiin. Dadka qoxootiga ah,tahriibayasah iyo kuwa magangaliyo doonka ah waa dad awood u leh dhibaatooyinkan maxaa yeelay waxay haysteen khibrado badan. Xiriirada dhow ee dadka aad lasamayso ayaa waxay kusiinaysaa awood iyo taageero. Imaankaaga iyo waxa kaleed aaminsantahay ayaa kaa dhigaya mid adkaysi badan.
1. Marwalba ahow mid dhanka wanaaga waxka arkaya wax wanaagsana rajaynaya
Waa wax iska caadi ah in aad dareento walbahaar ama niyad jab, laakin isku day si walbahaar la’aan ah inaad ufikrto dhanka wanaagsan. Xusuusnow hada kahor waxaad kaguulaysatay caqabaad badan xilayada soo socdana waad kabixi doontaa waxa kusoo mari doona waqtiyo aad u qalafsan. Isku day inaad lasocoto waxa wanaagsan ee laga sheegayo wararka iyo dadka dagaanka ahba.
2. Ha’aqrin ama hadaawan wararka aadka uxunxun
Waxaad sii saa ilaa 20 daqiiqo malinkii dhagaysiga wararka. Intaa way kuugu filantahay inaad ogaato waxii soo kordhay adigoon si xad dhaaf ah isu raacin wararka ama cabsida.
3. Intaad guriga joogto samee jimicsi jirka ah
Hadaad doonto waxaad samayn kartaa socod meelaha u dhow meeshaad dagantahay hadii ay tahay meel aan khatar kaaga imaanayn. Laga ba yaabo inaad beer yar guriga aad kuleedahay iyada isku masquuli oo kashaqee. Si aad usamayso jimicsi adoo gurigaaga jooga, raac habkan You Tube ka ee lacagla’aanta ah. Jimicsigu waxa uu kobcinaya jirkaaga iyo maskaxdada waxaadna ka helaysaa awood.
4. Hurdo kugu filana seexo
Waxaad dareemi doontaa caafimaad iyo wanaag hadii aad jiifato waa qayb muhiim ah oo nolashaada kamid ah. Marka ay jirto xaalada walbahaar, Inbadanoo naga mid ah ayay ku adagtahay inay hurdo helaan. Dadka qaarna hurdo badan ayay hurdaan. Waxaad yeelataa jadwal aad u qoondoonayso hurdada 7-8 saacadood oo hurdo fiicana habiinkii. Hurdadu waxay wanaajinaysaa dareenkaaga maskaxeed, iyo qaabka aad ufikirayso, iyo dulqaadkaada.
5. Ahow mar walba mid dadka ku xiran
Waxaad lahadli kartaa qoyskaaga saaxibadaa adigoo isticmaalaya aaladaha lagu wadahadlo, fiidiyowyada, taleefoonada, iyo baraha laguwada hadlo ee bulshada. Usheeg waxa aad dareemayso dhagaysana iyaga waxa ay dareemayaan. Kala hadal waxa aad xiisaynayso. Sameyso qorsho waxii aad qaban lahayd mustaqbalka. Isku day inaad hesho wixii taageero iyo sahay ah eed u baahantahay si aad u ilaaliso caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada!
Matahay qof walbahaar qaba ama mataqaanaa qof walbahaar qaba oo guriga jooga?
Xarunta xakamaynta cudurada, CDC waxay tiri, hadii adiga ama qof aad xanaanaysid, uu dareemayo murugo xad dhaaf ah, walbahaar, walaac, ama hadii adiga ama iyaga aad dareemaysaan dareen ah dhibaateen naftaada, ama nafsado kalo, waa inaad raadsataan sida ugu dhaqsaha badan waxii kaalmo ah:
- Hadii aad ubaahantahay kaalmo dagdag ah waxaad wacdaa, 911
- Booqo bogga internetka gargaarka dagdaga ah ee loogu talagalay dadka walbahaarku hayo ama wac. 1-800-985-5990 iyo TTY 1-800-846-8517 ama uqor qoraal TalkWithUs lanbarkoodan 66746
Rabshada guriga iyo xadgudubka
Rabshada gurigu waa rabshad uu sameeyo lammaane ama xubin qoyska ka mid ah, guriga. Rabshaddani way korodhay intii lagu jiray cudurka faafa ee COVD-19 maxaa yeelay dadka iyo qoysasku waxay waqti badan ku qaataan guriga. Rabshadaha badankood waxay ka dhan yihiin xaasaska iyo lammaanaha. Laakiin carruurtu badanaa waxay arkaan rabshadahaan, oo iyaguna waxay noqon karaan dhibanayaal.
Miyaad ka baqaysaa qof aad la nooshahay?
Way adag tahay in la aado si loo helo kaalmo maxaa yeelay qof walbaa gurigiisa ayuu kuyaala. Laakiin waxaa jira adeegyo kaa caawin kara:
- Booqo Khadka Tooska ah ee Rabshadaha Guriga ama wac 1-800-799-7233 iyo TTY 1-800-787-3224
- Ku soo dir Khadka Qoraalka Qalalaasaha lambarka taleefanka 741741
- Haddii aad u baqeyso noloshaada iyo nolosha xubin ka mid ah qoyskaaga, wac 911
Waxaa jira warbixin ka timid ilo lagu kalsoonaan karo, sida xarunta xakamaynta cudurada iyo hay’ada aduunka uqaabilsan dhan caafimaadka. USAHello mabixo talooyinka dhanka sharciga ama dhanka caafimaadka, sidoo kale agabkeena looma qaadan karo loomana isticmaali karo talo dhanka sharciga ama caafimaadka ah. Warbixinteena dhanka caafimaadka waxaa dibraac kusameeyay xubnaha gudiga USAHello Tej Mishra oo ah khuburo dhanka caafimaadka iyo kuwa ku takhasusay xanuunada faafa.