Ku joog badqab aqbaarta saxda ah

Boggan waxaa markii ugu dambaysay la cusbooneysiiyay 5/25/2020. Wixii cusbooneysiin ah taariikhdaas kadib, fadlan tag bogga Ingiriisiga.

waxaa jiro macluumaad badan oo ku saabsan koronafayras. Ma taqaanna waxa runta ah iyo waxa aan runta ahayn? USAHello waxay heysaa macluumaad ka imaday illo aan ku kalsoonaankaro. Daawo fiidiyowyadeena ku saabsan quraafaadyada koronafayras. Baro marin- habaabinta koronafayras si aad u badqabto.

Waa maxay waxa runta ah iyo waxa aan runta aheen ee ku saabsan koronafayras?

Daawo fiidiyowyo ka socda USAHello shaqaalaha, mutdawaciinta iyo xubnaha guddiga ay u fahmaan waxa runta ah iyo waxa beenta ah ee kusaabsan koronafayras.

Fiidiyowyada USAhello waxaa lagu heli karaa luuqado badan!

Ka warhaay marin habaabinta koronafayras.

Marin habaabinta waa qiyaano. badanaa, dadka marin habaabiyo dadka kale waxay isku dayaayaan inay qayaanaan oo lacagtoodana xadaan. mararka qaar marka aan baqeyno way adagtahay inan sheegno waxa dhabta ah iyo waxa aan ahayn. Halkaani waa qaar Marin-habaabin kamid ah oo aan dhamaanteen ubaahanay inaan wax ka ogaaano!

siyaabaha looga fogaado aqbaarta xun

inna badan dadka uma dan laha inay faafiyaan aqbaar xun laakiin waxaa jira aqbaar badan oo aan sax aheen oo ka imaaneyso xibanaha bulshada. Waxaan dhamaanteen gacan ka geysan karnaa fifinta macluumaadka wanaagsan bedelkeeda!

Aqbaartan waxay ka imaaneysaa illo lagu kalsoonaankaro, sida UNICEF, Xaruumaha xakameenta iyo ka hortagga cudurada iyo Hay,adda caafimaadka aduunka. USAhello ma bixiso talo sharci ama talo caafimaad, mana jiro wax aaladeena ah oo logu talo-galay in loo qaato talo sharci ama caafimaad.

Miyaad qabtaa wax su’aalo ah oo ku saabsan sida loo helo macluumaadka runta ah? waad awoodi kartaa [email protected].