Boggan waxaa markii ugu dambaysay la cusbooneysiiyay 5/25/2020. Wixii cusbooneysiin ah taariikhdaas kadib, fadlan tag bogga Ingiriisiga.
- English (English),
- አማርኛ (Amharic),
- العربية (Arabic),
- မြန်မာစာ (Burmese),
- 简体中文 (Chinese),
- 繁體中文 (Chinese (Traditional)),
- فارسی (Farsi),
- Français (French),
- Italiano (Italian),
- 日本語 (Japanese),
- Ikinyarwanda (Kinyarwanda),
- 한국어 (Korean),
- Português (Portuguese, Brazil),
- Русский (Russian),
- Español (Spanish),
- Kiswahili (Swahili),
- Tagalog (Tagalog),
- ไทย (Thai),
- Türkçe (Turkish),
- Українська (Ukrainian),
- اردو (Urdu),
- Tiếng Việt (Vietnamese)
Waan kawada walwalsannahay Koronafayras. Laakiin haddii aad tahay muhaajir, qaxooti, ama magangalyo doon oo kutahay gudaha Mareykanka, waxaa laga yaabaa inaad walwal dheeraad ah qabto. Boggan wuxuu ka hadlayaa qaar ka mid ah mowduucyada muhiimka u ah bulshooyinka soogalootiga ah. Waxaa kale oo aad ka heli doontaa cusboonaysiinta ugu dambaysa ICE, USCIS, iyo isbeddelada kale ee socdaalka COVID-19 dartiis.
Maxaa kuwalwalgalinaya?
Qaar badan oo ka mid ah soogalootiga waxay Mareykanka uyimaadaan iyagoo kayimid xaalado xunxun. way adag tahay in la aamino dowlada. Sidoo kale, jahwareer ayaa ka jira hoggaankayaga Mareykanka xilligan adag. Sidaa darteed maxaan sameynaa oo yaana aaminnaa?
Waxaad aamini kartaa macluumaadka caafimaadka dowladda
hay’ada CDC waa hay’ad dowladeed oo Mareykan ah oo leh seynisyahano heellan, oo xirfadlayaal ah. Waxay halis galiyaan naftooda si ay u fahmaan cudurada sida COVID-19 oo na badbaadiyaan dadweynaha dhanka caafimaadka. Aad ayey muhiim u tahay inaan aaminno macluumaadkooda waqtiyadaan oo kale.
Waad ku kalsoonaan kartaa maamulka caafimaadka deegaankaaga iyo adeegyada caafimaadka
Gobol kasta, degmo iyo dowlad magaalo waliba waxay leedahay heyadda caafimaadka dadweynaha. Hay’adaha caafimaadka ee gobolkaaga dan kama galayaan xaaladdaada socdaalka. Waxey daneynayaan waa caafimaadkaaga. Waxaad kadalban kartaa caawimaad.
Wadanka Mareeykanka, sharciga wuxuu leeyahay majiro qol gurmadka degdega ah ee isbitaalka oo kudiidi kara maadaama aadan diiwaangashaneyn mise aadan lacag bixin karin. Haddii aad xanuunsantahay, raadso caawimaad. Laakiin sababta oo ah COVD-19 waa mid aad u faafa, wac marka hore 911, isbitaalkaaga hay’addaada caafimaadka.
Waxaad dalka Mareykanka waxad ku leedahay xuquuqo daryeel caafimaad wax kasta oo ey ahaato xaaladdaada sharci. Waxa kale oo aad xaq u yeelan kartaa caymiska caafimaadka. Ku aqriso xuquuqahaaga daryeelka caafimaadka luqaddahan Ingiriis, Carabi, Amxaaro, Burmese, Shiinaha, Isbaanish, Tagalog, iyo Fiyatnaamiis.
- Hel xarun bilaash ah (adeeg caafimaad oo loogu talagalay dadka aanan lacag bixin karin).
- Hel xarun caafimaad (adeegyo caafimaad oo kugusoo dallacaya kaliya waxa aad awooddo). Xarumo caafimaad oo badan ayaa qofkasta ugu deeqa baaritaan COVD-19 oo bilaash ah.
- California waxey leedahay ceymis caafimaad oo loogu yeero Medi-Cal oo loogu talagalay muhaajiriinta aan diiwaangashaneyn oo dakhliga hooseeya kuwaasoo kayar 25.
Guud ahaan dalka Mareykanka, dadka waxaa loo bartilmaamedsanayaa cabsi laga qabo COVID-19. Maxaad ka qaban Kartaa?
- Waxaad ugudbin kartaa takoorka dowladdaada maxalliga ah ama kuwa taabacsan ACLU-daada deegaanka.
- Waxaad u gudbin kartaa warbixinta dhacdada qoloyinka la dhaho Golaha Siyaasadda Aasiya iyo Qorsheynta(Asian Pacifc Policy and Planning Council).
- Haddii laguugu takooray shaqada, waxaad cabasho rasmi ah ugudbin kartaa dowladda Mareykanka.
- Ka hel macluumaadka ku saabsan dhaleeceynta ka timid CDC
- Ka hel Ka hortaga ilaha faquuqu oo katimid gobolka Washington.
- baro waxa lasameeyo haddii uu qof kuu hanjabo.
- Waxaad kaloo baran kartaa waxyalo ku saabsan xuquuqahaaga.
USAHello ma awooddo iney bixiso talo socdaal mise mid sharciyeed. Laakiin waxaan kugu xiri karnaa socdaalka iyo xirfadlayaal sharci oo kaa caawin kara:
ImmigrationLawHelp.org
ImmigrationLawHelp.org waxay caawineysa soogalootiga dakhligoodu hooseeyo inay helaan caawimaad sharciyeed. Waxaad caawinaad sharci ah karaadin kartaa webseedkooda adigoo isticmaalaya lambarkaaga boostada. Waxa kale oo aad ka baari kartaa xarunta haynta haddii adiga ama xubin qoyskaaga ka tirsan aad ku jirtaan xabsi gudaha Mareykanka.
Boundless
Xafiisyo badan oo dowladda ah oo kuu shaqo leh maareenta socdaalka iyo dal-kugalka ayaa xiran. Boundless waa illo lagu kalsoonyahay oo loogu talagalay muwaadinimada iyo codsiyada kaarka cagaaran. aqri macluumaadkeeda ku saabsan sida Koronafayras usaameynayo wareysiyada, dukumentiyada, iyo codsiyada.
United WeDream
United WeDream waxey caawisaa Mareykanka aan diiwaangashaneyn. Waxey hayaan macluumaad ku saabsan xiritaanka xafiiska USCIS iyo codsiyada dib-ucusbooneysiinta webseedkooda.
USCIS waxay leedahay in baaritaanka COVID-19, ka hortagga, ama daaweynta looma adeegsan doono dadka soogalootiga ah tijaabada dacwad dadweynaha. Haddii aad xanuunsato, waa inaadan kacabsan inaad hesho caawinaad inaad dowladda dulsaar kunoqoto darteed.
Haddii aad shaqadaada ku weyso xaalad degdeg ah mise haddii iskuulkaaga laxiro, waxaad qori kartaa bayaan sharxayso waxa koor kuso hoostay si loolo usocdo dalabka dal-kugalkaaga. Markaa, haddii ay tahay inaad aqbasho caawimaad dawladda, waa inaan loo xisaabin inay tahay gargaar dowladeed.
Waxaad in badan ka aqrin kartaa wax ku saabsan gargaarka dowladdeed USAHello.
Xeerarka ugu muhiimsan waa isku mid meelkastoo dalka Mareykanka ah:
- Kafogow taabasho kasta ee dadka aadan lanooleyn.
- Guriga joog markasta oo ay suurtagal tahay caruurtaadana guriga ku hay.
- Waad ubixi kartaa dibadda si aad ujimicsatto mise aad uhesho cuntada lagama maarmaanka ah iyo dawada laakiin waxaa waajib ah inaad 6 fiit kafogaatto dadka kale.
- Dabool sankaaga iyo afkaaga haddii ay tahay inaad ku dhowaato inkayar 6 fiit dadka aadan la nooleyn.
- Hatagin shaqo ama haka tagin gurigaaga haddii aad xanuunsantahay.
- Adeegso nadaafad wanaagsan. Nadaafadda wanaagsan micnaheedu waa inaad gacmahaaga dhaqdo, isticmaasho istiraasho si aad u qufacdo ama u hindhisto, inaadan taaban wejigaaga, iyo nadiifinta sagxadaha.
Gobolkasta wuxuu leeyahay shuruuc loogutalagalay un gobolkaas. Laakiin haddii aad raacdo shuruucda muhiimka ah ee kor ku xusan, waxaad ilaalin doontaa naftaada iyo dadka kale meel kasta oo aad ku nooshahay. Hel waxbadan oo ku saabsan sida badqabo adigo caafimaad qabtid.
Tilmaamahan, oo ay abuurtay HIAS, wuxuu macluumaad siiyaa qaxootiga, magangalyo-doonka, magangalyo-doonka iyo muhaajiriinta kale ee ku saabsan xuquuqdaada inta lagu jiro waqtigan aan la hubin.
- Ogow xuquuqda aad leedahay Carabiga
- Baro xuquuqdaada Ingiriisiga
- Ogow xuquuqda aad ku leedahay Farsi
- Baro xuquuqdaada Faransiiska
- Baro xuquuqdaada Ruush
- Baro xuquuqdaada Isbaanishka
- Baro xuquuqdaada Sawaaxiliga

Cusbooneysiinta iyo isbedelada COVID-19 dartiis
Waxaa jiray isbedelo iyo xiritaanka nidaamka socdaalka Mareykanka cudurka faafa ee COVID-19 dartiis. Halkan waxaa ah waxyaabo cusub oo loogu talagalay muhaajiriinta, qaxootiga, iyo magangalyo-doonayaasha:
- Maamulka Mareykanka ayaa soo saaray amar fulin ah oo lagu joojinayo fiisayaasha socdaalka ee cusub (kaararka cagaaran) laga bilaabo Abriil 23, 2020, muddo 60 maalmood ah. Amarku wuxuu quseeyaa dadka ka baxsan Mareykanka. Shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha beeraha iyo qaar kale oo shaqaale ah ayaa wali loo ogolaan doonaa inay helaan fiiso. Xaaska iyo carruurta ka yar da’da 21 ee muwaadiniinta Mareykanka ayaa wali loo oggolaan doonaa inay helaan fiiso. Dadka horey u haysta fiisooyinka soogalootiga ama dukumentiga safarka oo shaqeynaya weli way imaan karaan. SIVs iyo xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka ayaa wali imaan kara.
- Bishii Maarso 2020, USCIS waxay baajisay ballamaha iyo xafiisyada xiran marka laga reebo xaaladaha degdegga ah mooyee. USCIS waxay xafiisyo ka furtay Juunyo 4. Xarumaha Taageerada Codsiyada wali ma furin.
- Haddii wareysigaaga magangalyo la joojiyo, waxaad heli doontaa ogeysiin leh ballanta ballanta cusub.
- Haddii xafladaada dhalashada la joojiyo, waxaad heli doontaa ogeysiis si aad u dhigto xaflad taariikh cusub.
- Haddii aad yeelatay waraysi kale oo la tirtiray, waa inaad ka heshaa ogeysiis ballan cusub xafiiskaaga deegaanka.
- Hadaad haysatey aqoonsi ama balan kale, waxaad ubaahantahay inaad balan kale sameysatid balantaada xafiiska xafiiska furanyahay. Waxaad u baahan doontaa inaad isticmaasho xarunta xiriirka ee USCIS.
- USCIS waxay leedahay xeerar cusub xafiisyada oo dhan si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19. Waa inaad xirataa maaskaro oo aad raacdaa tilmaamaha ku saabsan khalkhalka bulshada.
- Fadlan akhriso bogga coronavirus ee USCIS wixii macluumaad dheeri ah. ku saabsan furitaanka xafiiska, wareysiyada iyo ballamaha.
- USCIS (laamaha socdaalka iyo jinsiyadaha maraykanka) waxay ku dhawaaqday siinta adeega caafimaad ee COVID-19 kumajiro xeerka adeega guud.
- USCIS (laamaha socdaalka iyo jinsiyadaha maraykanka) waxay ku dhawaaqday inay dib u isticmaalayso habqiyaaseedka/astaan horay u jiray si loo hoolgaliyo kordhinta bixinta waraaqaha shaqaalaynta (EAD). Akhri faahfaahinta.
- Wasaarada cadaalada ee dowlada maraykanka xafiiskeeda fulinta dib’ufiirinta howlaha socdaalka ee loosoo gaabiyo (EOIR) ayaa xirtay maxkamadihii socdaalka kuwa qaadaya dhagaysiga dadka xiran mooyee. Ka ogow isbeddelada ugu dambeeyay EOIR.
- Ah NationalXarunta National Visa Center (NVC) waxay ka jawaabi doontaa oo keliya su’aalaha deg degga ah. Haddii aad qabtid baaritaan aan deg-deg aheyn, isticmaal qalabka CEAC, laakiin waxaa laga yaabaa inaad dhib ku qabtid helitaanka jawaab.
- ICE (Ciidanka socdaalka iyo jinsiyada iyo xuduudaha waxay sii wadayaan in wax xirxirayaan, laakiin ICE ciidankeedu waxay dhaheen in aynan waxba kasoo qabanaynin ama ay kasoo xiraynin goobaha caafimaadka iyo cusbitaalada. Sidoo kale waxay dib udhigeen baaritiaanadii qaar dadka lagu samaynayay. Aqri boga ay kuleeyihiin ciidanka ICE internetka ee kawarbixinaya fulinta caabuqa coronafeyraska ICE.
- Ciidanka ICE waxay daabaceen warbixin loogu talagalay ardayda iyo ardayda kalee kutimaada barnaamijka isdhaafsiga iyo wada shaqaynta jaamacadaha ee loosoo gaabiyo (SEVP) ee kusaabsab saamaynta Caronofeyraska uusaameeyay iskuulada iyo ardayda.
- Kuwa magangalya doonka ah ee xuduudaha imaanaayo iyagana dib ayaa loocelinayaa. Waxaa loo celinayaa Mexico ama wadankoodii hooyo. Tani waxaa kamid ah caruurta aan dadna lasocon. Aqri warbixintii ugudambaysay ee magangalyo doonaha.
- Waaxda doowlada maraykanka ayaa tiri Maraykanka wuu joojin doonaa qoxootiga uu qaadanaayo.
- Ururka caalamiga ah ee socdaalka ee loosoo gaabiyo (IOM) iyo wakaalda qaramada midoobay ee qoxootiga ee loosoo gaabiyo (UNHCR) ayaa waxay dhaheen inay wax qoxooti ah aynan usoo dirayn wadamada kalo. Wareegadu/ogeysiisku waxaytiri safaradu waxay dib ubilaaban doonaan markale sida ugu dhaqsaha badan ee suurogalka ah.
macluumadkan wuxuu ka imaday illo lagu kalsoonaankaro,tusaale USCIS, ah Wasaaradda Amniga Gudaha, HIAS, iyo rug caafimaad. USAHello masiinayso talo dhanka sharciga loves xaga caafimaadka, loomana isticmaali karto dhamaan alaabteena qaab taloqaadsho ah loves dhanka sharciga iyo caafimaadka.