Talooyin si looga fogaado khiyaanooyinka guud ee socdaalka

La cusbooneysiiyay Abriil 1, 2024
Boggan waxaa si xirfad leh u tarjumay qof bini'aadam ah. Wax badan baro

Khayaanooyinka socdaalka aad bay ugu badan yihiin waxayna yeeshaan qaabab badan. Waa inaad taqaan sida aad isku ilaalin lahayd. Hel talooyin ku saabsan sida loo aqoonsado, looga fogaado, loogana warbixiyo khiyaanooyinka.

Waa maxay khiyaano?

Khiyaano ama khiyaamo waa marka qof been kuu sheego si uu u xado macluumaadkaaga gaarka ah ama lacagtaada. Waa sharci-darro laakiin waa wax guud. Macluumaadka shaqsiga ah waxaa loo isticmaalaa in lagu xado aqoonsigaaga waxaana ka mid noqon kara:

  • magacaaga iyo cinwaankaaga
  • lambarrada koontada bangiga iyo kaararka deynta
  • lambarka badbaadada bulshada
  • lambarrada caymiska caafimaadka

Haddii qof uu ku weydiiyo faahfaahintan, iska jir. Kaliya macluumaadkan sii qof aad ku kalsoon tahay.

Khiyaanada bixinta lacagta

Khiyaanooyinka codsanaya lacagaha khidmadaha socdaalka waa wax guud. Lacagaha socdaalka iyo codsiyada waxaa lagu maamulaa U.S. Citizenship and Immigration Services (USCIS), U.S. Department of State (DOS), iyo Executive Office for Immigration Review (EOIR).

USCIS waxay kaliya aqbali doontaa lacagaha onlaynka ah iyada oo loo marayo koontadaada myUSCIS ama boostada iyada oo loo marayo goobaha rasmiga ah ee lockbox. Marka aad dhameystireyso codsi onlayn, waxaa lagu hagi doonaa inaad ku bixiso lacagaha pay.gov.

USCIS waligeed ma weydiisan doonto:

  • Ku bixinta lacag telefoonka ama iimayl ahaan
  • Ku bixinta lacag iyada oo loo marayo adeegyo sida Western Union, MoneyGram ama PayPal
  • Xawaalad lacageed oo loo diro qof ama lagu bixiyo qof
Dhammaan foomamka USCIS iyo EOIR waa ka bilaash USCIS.gov iyo justice.gov. Qofna waa inuusan kugu soo dalacin lacag foom.

Iska jir markaad raadinayso caawimaad sharci. Kaliya qareennada iyo wakiillada ay aqoonsan yihiin DOJ ayaa loo oggol yahay inay bixiyaan talo sharci. 

Notarios Publicos

Dalal badan oo Latin America iyo Yurub, notario publicos (notariyo shacabka) waa qareenno shati leh oo loo oggolaaday inay bixiyaan talo sharci ah.

Dalka Mareykanka, notariyo waxay maamulaan dhaarta waxayna marqaati ka yihiin saxiixa dukumiintiyada muhiimka ah. Nootaayooyinka dadweynaha ee Maraykanka looma tababarin ama looma oggola inay bixiyaan wax adeeg sharci ah. Notarios ee Maraykanka oo isku dayaya inay khiyaameeyaan waxaa laga yaabaa:

  • Iska yeela inay bixiyaan adeegyo sharci
  • Bixiya inaad gudbiso codsiyada USCIS adigoon lahayn khibradda loo baahan yahay
  • Bixiya talo sharci oo been ah oo dhibaatooyin ku abuuri kara kiiskaaga socdaalka

Talo:

Hubi inaad hesho talo sharciyeed oo ka timid qareen socdaal oo ruqsad haysta ama wakiil sharci oo la aqoonsan yahay. Baro sida loo helo bixiyayaasha sharci ee aad ku kalsoonaan karto.

Khiyaanooyinka mareegaha

Mareegta khiyaanada ee socdaalka ayaa iska dhigi kara inuu bixiyo tilmaamo iyo caawimaad si loo gudbiyo codsiga USCIS. Goobaha internetka ee khiyaanada ah mararka qaarkood waxay isku dayaan inay u ekaadaan kuwa rasmiga ah oo waxay isticmaali karaan qaab ama shaabad rasmi ah. Waxaa laga yaabaa inay leeyihiin khaladaad qoraal oo shaki leh.

Talooyin:

  • Hubi in mareegta ay ammaan tahay oo leedahay cinwaanka “https” iyo astaanta qufulka (🔒)
  • Goobaha rasmiga ah ee dowladda waxay ku dhammaadaan .gov
  • Isticmaal boggaga rasmiga ah: USCIS.gov, DHS.gov, justice.gov
  • Ka degso foomamka dowladda bilaashka ah mareegta rasmiga ah
  • Ha isticmaalin goobaha isku dayaya inay yeeshaan cinwaan la mid ah sida USCIS-online.org
  • Cusbooneysii taleefankaaga iyo nidaamyada kombiyuutarka marka noocyo cusub la sii daayo
  • Isticmaal furaha sirta ah ee adag iyo xaqiijinta badan ee tillaabooyinka

Khiyaanooyinka iimaylada

Iimaylada khayaanada ayaa aad u badan. Iimaylo badan oo khiyaano ah ayaa leh faylal ama xiriiriyayaal ka soo dejinaya malware qalabkaaga marka aad riixdo. Waxay ku weydiin karaan macluumaad shaqsi ah sida lambarada koontada ama lacag bixin.

Iimaylada shakiga leh waxay yeelan karaan:

  • Qaladyo qoraal oo shaki leh, sida magacaaga
  • Astaamo qariib ah iyo noocyo kala duwan oo farta ah
  • Xiriirinta mareegaha been abuurka ah ee dowladda

Talooyin:

  • Ha furin iimaylda shakiga leh
  • Ka digtoonow markaad iimayl ka furayso qof aadan aqoon
  • Dhammaan iimaylada ka imaanaya USCIS ama dowladda Mareykanka waxay mar walba ku dhammaan doonaan .gov
  • Ha gujin linkiyo kasta
  • Google ama ku qor cinwaanka mareegta halkii aad gujin lahayd linkiyada.
  • Ha ku bixin lacagaha iimayl ahaan
  • Ha ka jawaabin iimaylada shakiga leh
  • Ka digtoonow iimayl kasta oo sheegaya inuu leeyahay go'aan USCIS ah
  • Tag myUSCIS si aad u hubiso inaad helayso macluumaadka saxda ah (dhammaan cusboonaysiinta muhiimka ah ayaa halkaas ku jiri doona)
[email protected] waa iimayl been abuur ah. Ha furin email-ka kasoo baxay cinwaankan ama riix kasta oo ka mid ah xiriirkeeda.

Wicitaannada iyo qoraallada been abuurka ah

Dadka intooda badan waxay helaan wicitaanno khiyaano ah iyo farriimo qoraal ah. Khayaanada ayaa badiyaa beddela aqoonsiga qofka soo wacaya si uu u dhigmo koodka aaggaaga si aad u soo qaadato. Noocyadda ugu badan waa ku saabsan kaararka deynta iyo canshuuraha laakiin qaar waxay ka mid noqon karaan kuwa ku saabsan soo galootiga.

Qofka soo wacaya khiyaano ayaa laga yaabaa inuu:

  • isku dayo inuu iska dhigo sarkaal socdaalka ah
  • ku weydiisto macluumaadka shakhsiyeed ama lacag bixin
  • ku yiraahdo macluumaadkaagu waa khalad ama inay lacag kugu leeyihiin oo kuugu hanjabaan inay ku dacweynayaan

Talooyin:

  • USCIS kama codsato macluumaad shaqsiyeed ama lacag telefoonka
  • Hubi USCIS ama EOIR haddii aadan hubin in wicitaanka uu dhab yahay
  • Ka raadi xiriirada wakaaladaha bogga rasmiga ah
  • Wicitaannada aad ka shakiso ku dami oo ha'isku dayin inaad dib u wacdo
  • Xannib wicitaannada aan la rabin iyo farriimaha qoraalka ah
  • La xiriir qareen socdaalka ama wakiil haddii aad qabto su'aalo

Khayaano sameeyayaasha waxay sidoo kale kaagala soo xiriiri karaan baraha bulshada si ay kuugu taageeraan codsiga socdaalka sida fasaxa bani'aadanimada. USCIS ma kaala soo xiriiri doonto Facebook, Twitter, LinkedIn, WhatsApp, ama barnaamijyo kale oo online ah.

Khiyaanooyinka kale ee socdaalka

Halkan waxaa ku yaal liis gaar ah oo ku saabsan khiyaanooyinka socdaalka ee ay masuuliyiintu la wadaagayaan dadweynaha.

Khiyaanooyinka macluumaadka shakhsiga ah ee Afghanistan waxay ku weydiin karaan inaad la wadaagto macluumaadkaaga shakhsiyeed si ay kaaga caawiyaan inaad hesho faa'idooyinka socdaalka. USCIS guud ahaan ma dirto iimaylo kugu wargelinaya in laguu oggolaaday faa'ido gaar ah oo socdaal ah.

Khiyaamada habaynta dardargelinta ayaa laga yaabaa inay kuu ballanqaadaan inay kuu hesho fiiso, Green Card, ama oggolaanshaha shaqada si dhakhso ah haddii aad bixiso lacag. Waxay u yaqaanaan tan "boodboodka khadka." Waxa kale oo laga yaabaa inay sheegaan inay xidhiidh la leeyihiin dawladda si ay kiiskaaga u dedejiyaan. Qofna ma dadajin karo adeegyada ka baxsan waqtiyada habaynta ee caadiga ah .

Foomamka I-9 ee khiyaanooyinka iimaylka waxay ka codsan karaan shaqo-bixiyeyaasha macluumaadka Foomka I-9 iyagoo iska dhigaya inay yihiin saraakiil USCIS. Loo shaqeeyayaasha uma baahna inay u gudbiyaan Foomka I-9 USCIS.

Khiyaanooyinka sii-daynta bini'aadantinimo ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsadaan muhaajiriinta iyo kafaala-qaadayaasha si ay uga faa'idaystaan. Khayaano sameeyayaasha waxay kaala soo xiriiri karaan khadka tooska ah ama baraha bulshada waxayna ku siin karaan taageero beddelkeeda lacag ama macluumaad shakhsiyeed sida lambarka baasaboorkaaga ama taariikhda dhalashadaada. Haddii aad raadinayso kafaala-qaade, isticmaal Welcome Connect.

Kafaalaqaadayaashu waxay mas'uul ka yihiin bixinta taageero dhaqaale oo ay siiyaan ka faa'iideystayaasha muddo dhan illaa 2 sano. Ka faa'ideystayaasha looma baahna inay dib u bixiyaan ama u shaqeeyaan kafaala-qaadayaashooda. Kafaala-qaadayaasha iyo ka-faa'ideystayaasha uma baahna inay bixiyaan lacag si ay u gudbiyaan codsi.

Khiyaanooyinka ka ganacsiga dadka waxaa laga yaabaa inay ka dhashaan khiyaamo shaqo oo ku lug leh shaqooyin shaki leh oo loo soo diro dibadda ama iimayl ahaan. Ka ganacsiga dadka waxa uu ka mid yahay xaaladaha ay dadku ku qasbanaadaan inay shaqo qabtaan oo aysan ka bixi karin sababo la xiriira hanjabaad, deyn, iyo xaaladda socdaalka. Raadi talooyin ammaan si looga fogaado ka ganacsiga dadka.

Qiyaanooyinka TPS badanaa waxay bixiyaan macluumaad been ah oo ku saabsan dib u diiwaangelinta TPS. Khiyaanooyinkan waxay ku weydiin karaan inaad soo gudbiso foomamka iyo lacagaha si aad u cusboonaysiiso TPS. Waa bilaash in la cusboonaysiiyo. Ha bixin ama ha gudbin wax foom ah illaa USCIS ay cusbooneysiiso macluumaadka rasmiga ah ee TPS onleen.

Khiyaanooyinka fiisaha ee bakhtiyaanasiibka ayaa laga yaabaa inay sheegaan in laguu doortay barnaamijka Fiisaha Kala-duwanaanta (DV). Qorshaha fiisaha waxaa maamula Department of State, ma aha USCIS. Waaxda Arrimaha Dibadda ma kuu soo diri doonto iimayl ku saabsan in laguu doortay fiisaha bakhtiyaanasiibka. Fiisaha bakhtiyaa-nasiibka waa bilaash. Uma baahnid inaad bixiso lacag si aad u codsato.

Soo dacwee been abuurka iyo khiyaanooyinka

Dacweynta khiyaanooyinka waxay ku siin kartaa caawimaad. Waxay sidoo kale caawin kartaa in la hubiyo in dadka kale aysan la kulmin isla wax. Waxaad si qarsoodi ah u soo dacweyn kartaa khiyaano adigoon magacaaga bixin. Waxaad sidoo kale warbixin ku soo gudbin kartaa qof kale oo wakiil ah.

Hubi inaad ururiso macluumaad gaar ah oo ku saabsan been abuurka ama khiyaanada:

  • Taariikhda, waqtiga, iyo goobta dhacdada
  • Magacyada iyo macluumaadka xiriirka ee shaqsiga ama ganacsiga ku lugta leh
  • Sharraxaadda xadgudubka
Ku dacwee
Nooca khiyaanada
Khiyaanooyinka faa'idooyinka socdaalka
Khiyaanooyinka socdaalka
Khiyaanooyinka dacwadaha maxkamadda socdaalka
Khiyaanooyinka ka ganacsiga dadka
Iimaylada shakiga leh, bogag internetka, ama akoonnada baraha bulshada oo sheeganaya inay la xiriiraan USCIS
Khiyaanooyinka guud
Lacag ama hanti luntay
Fraud
Khiyaanooyinka internet-ka
Khiyaanada iyo xadgudubka loo shaqeeyaha

La hadal xubin qoys oo aad ku kalsoon tahay ama saaxiib haddii aad u baahato taageero. Raadi caawinaad dheeraad ah haddii qof ku hanjabo.

Ka digtoonow macluumaadka kale ee been abuurka ah

Waxaa jira macluumaad badan oo been abuur ah oo la wadaago, gaar ahaan ku xeeran mawduuca socdaalka. Ka digtoonow war-xumada iyo macluumaadka khaldan. Disinformation waxaa inta badan loo yaqaanaa wararka been abuurka ah. Waxaa loogu talo galay in ay saameyn ku yeelato fikirkaaga. Aqbaarinta qaldan ma ahan mid si ula kac ah loogu tala galay in lagu qaldo ee weli waxay ku siisaa macluumaad aan sax ahayn.

Talooyin:

  • U fiirso meesha wararkaaga iyo macluumaadkaaga ka imanayaan
  • Ka digtoonow macluumaadka aad ka hesho baraha bulshada
  • Hubi ilaha asalka ah ee ku jira maqaalka ama boostada
  • Akhri qoraaga iyo ururka si aad u aragto haddii ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo
  • Ka hubi macluumaadka ilo kale

Macluumaadka ku jira boggan wuxuu ka imanayaa USCIS, FTC, DOJ, USA.gov, iyo ilo kale oo lagu kalsoon yahay. Waxaan hiigsaneynaa inaan bixino macluumaad si fudud loo fahmi karo oo si joogto ah loo cusboonaysiiyo. Macluumaadkani maaha talo sharci.