Share

Waa maxay kafaala-qaadidda gaarka ah ee barnaamijka qaxootiga?

Barnaamijka kafaala-qaadidda gaarka ah ee Maraykanka waxa loo yaqaannaa Welcome Corps. Waa barnaamij ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo u ogalaata muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka deganaanshaha rasmiga ah in ay si mutadawacnimo ah u taageeraan qaxootiga. Kafaalayaasha waxay siin karaan qaxootiga kaalmada lagama maarmaanka ah si ay nolol cusub uga bilaabaan USA. Wax ka baro habka iyo shuruudaha.

Cusbooneysiiyo February 1, 2024

Waa maxay kafaala-qaadidda?

kafaala-qaadidda waxaa loola jeedaa taageerada la siiyo qaxootiga ee dib u dejinta waddan cusub. Qaxootigu waxay taageeradan ka heli karaan hay’adaha dib-u-dejinta ama kafaala-qaadidda gaarka ah ee Welcome Corps.

Qaabka hore ee dib-u-dejinta qaxoontiga waxay ku lug leedahay taageerada tooska ah ee dawladda. Dawladdu ayaa qaadda mas’uuliyadda bixinta gargaarka maaliyadeed, guriyeynta, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah iyada oo u sii marinaysa hay’adaha dib-u-dejinta.

kafaala-qaadidda gaarka ah waxa ku lug leh kooxo ka socda bulshada kuwaas oo si iskood ah u qaata doorka taageeridda qaxootiga. Gudaha Maraykanka, tani waa qayb ka mid ah Welcome Corps. Kafalayaasha gaarka ah waxay ka caawiyaan qaxootiga sidii ay guri u heli lahaayeen, u fidin lahaayeen taageero dhaqaale, iyo ka caawinta qaxootiga sidii ay bulshada ula qabsan lahaayeen.

Waa maxay noocyada kafaala-qaadidda gaarka ah?

Waxaa jira laba nooc oo kafaala-qaadid ah iyada oo loo marayo Welcome Corps:

  • Kafiilka iswaafajinta: Kooxaha kafaala-qaadidda waxa loo qoondeeyay qaxooti ama qoys loo ogolaaday dib u dajin, iyada oo aan xiriir shaqsiyeed hore lahayn.
  • Magacaabista kafaala-qaadka : Kooxaha kafaala-qaadidda waxay doortaan inay taageeraan qaxooti gaar ah ama qoys ay horeba shakhsi ahaan u garanayeen.
kafaala-qaadidda gaarka ah waa koox ka kooban shan xubnood oo loo yaqaan kooxda kafaala-qaadidda gaarka ah (PSG) . Urur taageera kooxaha kafaala-qaadeyaasha waxa loo yaqaan urur kafaala-qaadka gaarka ah (PSO) . Waxaa muhiim ah in la ogaado in ururadu aysan ku kafaala qaadi karin.

Macluumaadka kuwa raadinaya kafaala-qaadidda

Waa maxay shuruudaha u yaallo in lagu kafaalo qaado?

Welcome Corps waxay bixisaa Qalabka xaq u yeelashada kaas oo kaa caawin kara inaad ogaato inaad ku jiri karto barnaamijkan.

Si uu kuu kafaalo qaado qof aad taqaan oo aad u timaado USA, waa inaad:

  • UNHCR ama dawlada hoose ee aad hadda aad horay ooga diiwaan gashanayd qaxooti ahaan September 30, 2023 ama ka hor. Haddii aad tahay qaxooti ka yimid Kuuba, Haiti, Nicaragua, ama Venezuela, Foomka I-134 waa in lagu gudbiyay magacaaga ka hor Sebtembar 30, 2023. Waa in aad joogtay meel ka baxsan wadankaaga dhalashada wakhtiga foomka la xareeyay.
  • Hadda aad ku nooshahay meel ka baxsan waddankaagi hooyo oo aad joogto waddan loo ansixiyay habaynta kafaala-qaadidda.
  • Hadda aad ku nooshahay meel ka baxsan Maraykanka.
  • Ka wayn tahay da’da 18, ama aad la socoto waalidka ama mas’uulka sharciga ah. Carruurta aan lala socon uma qalmaan.
  • Dhameystirtaa dhammaan wareysiyada loo baahan yahay, baaritaannada, iyo hababka kala soocidda.
  • In Dawladda Maraykanka ay kuu ansixisay dib u dajin gudaha Maraykanka ah.
Sida uu dhigayo sharciga Mareykanka, qaxootigu waa qof ay qasab ku noqotay in uu ka tago wadankiisa sababtoo ah noloshiisu waxay ku jirtaa khatar sababtoo ah jinsi, diin, dhalasho, fikradiisa siyaasadeed, ama ka mid ahaanshaha koox bulsho gaar ah. 

Kuma xirno shuruudo dhalasho. Waxaad u dhalan kartaa waddan kasta si laguu kafaalo qaado.

Yaa aan u qalmin?

Shakhsiyaadka aan buuxin shuruudaha ama ku nool wadamada qaarkood uma qalmaan wakhtigan.

  • Uma qalantid in qof aad taqaan uu ku kafaalo qaado haddii aad isu diwaan galisay sharci qaxooti wixii ka dambeeya Sebtembar 30, 2023. Waa in aad horay uga diiwaan gashanayd xaqooti ahaan waddan kale ka hor taariikhdan si aad ugu qalanto. Dadka qaar ayaa hadda u guuraya wadamo kala duwan si ay isugu diiwaan galiyaan barnaamijkan. Ha u guurin wadan kale si aad ugu qalanto barnaamijka. Welcome Corps ma aqbali doonto arji kaayimid.
  • Qaxootiga ku nool wadamada qaarkood xaq uma laha kafaalo-qaadidda gaarka ah. Waxaa jira sababo badan oo suurtagal ah tan. Qaxootiga ka yimid mid ka mid ah wadamadan ayaa laga yaabaa inay wali xaq u leeyihiin haddii aysan hadda ku noolayn halkaas. Eeg liiska buuxa ee wadamadan.
  • Carruurta aan lala socon xaq uma laha kafaala-qaadidda gaarka ah. Dhammaan carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir waa in si wadajir ah loo kafaalo-qaado waalidkood ama masuulka sharciga ah. Xeerkan ayaa jira si loo ilaaliyo carruurta.
Digniin: Ka-qaybgalka Barnaamijka Qaabilaadda Qaxoontiga Maraykanka, oo ay ku jirto Welcome Corps, had iyo jeer waa bilaash. Ma aha inaad lacag bixiso si aad u codsato barnaamijkan. Haddii qof kuu sheego in ay ku gelin karaan barnaamijka haddii aad siiso lacag ama u faaiido fasho, waa khiyaano. U soo sheeg qof kasta ama koox kasta oo tan sameeyo [email protected].

Sideen ku helaa kafaala qaad gaar ah?

Qaxootiga, helida kafaalo gaar ah maahan nidaam toos ah. Si laguu waafajiyo kafaala-qaade aanad garanayn, marka hore waxaad u baahan tahay in laguu ogolaado dib u dajinta Maraykanka iyada oo loo marayo Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka. Haddii laguu oggolaado in lagu kafaalo qaado, waxa kugu wargelin doona shaqaalaha Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta.

Ma jiro qof dammaanad qaadi kara ama kaa caawin kara gelitaanka gaarka ah ee barnaamijka. Dhammaan qaxootiga waa in ay maraan Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee Maraykanka oo ay ansixiso dawladda Maraykanku.

Qof aan aqaano ma i kafaala qaadi karaa?

Haa, laakiin kafaala qaadahaagu waa inuu codsadaa. Haddii aad taqaan qof Maraykanka jooga oo raba inuu ku kafaalo qaado, way codsan karaan inay ku kafaala qaadaan iyagoo u marayo gudbin. Waa inay buuxiyaan shuruudaha codsiga si ay u noqdaan koox kafaala qaadeyaal ah. Waxay u baahan yihiin inay bixiyaan macluumaadka ku saabsan dhammaan xubnaha qoyska ee ku jira codsigooda. Macluumaadkan waxa isticmaali doona dawladda Maraykanka si ay go’aan uga gaadho kiiskaaga qaxootinimo. Wax badan ogow .

Maxaan filan karaa haddii la i kafaalo qaado?

Haddaad tahay qaxooti lagu kafaalo qaaday gudaha USA, waxaad heli doontaa caawimo ku saabsan sidii aad u heli lahayd meel aad ku noolaato iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee aad u baahan tahay. Waxa kale oo aad heli kartaa caawimo iyo gargaar dawladeed. Tan waxa ku jira daryeelka caafimaadka, dugsi-dhigashada carruurtaada, caawinta shaqo helidda, iyo adeegyo kale si loo fududeeyo dejinta.

Qoxootiga la kafaalo-qaaday Mareykanka kuma imaan doonaan si ka dhaqso badan qaxootiga dib u dejinta loogu sameeyo nidaamka dadweynaha. Dhammaan qaxootiga soo galaya USA waxay maraan shuruudo habaysan oo isku mid ah.

Waa maxay barnaamijyada kale ee kafaalo-qaadidda?

Barnaamijyada kafaala-qaadidda ee la heli karo waa:

Labadan barnaamij waxay leeyihiin sharciyo ka duwan kuwa boggan ku qoran.

Macluumaadka loogu talagalay kafaala-qaadayaasha gudaha Mareykanka

Waa maxay shuruudaha lagu noqonayo kafaala-qaade gaar ah?

Si aad u noqoto kafaala-qaade gaar ah, waa inaad:

  1. Tahay muwaadin Maraykan ah ama degane rasmi ah.
  2. Samysaa koox ka kooban ugu yaraan shan xubnood.
  3. Ku nooshahay meel u dhow meesha qaxootiga la dajin doono.
  4. Dhameystirtaa baaritaan sooyaal oo oggolaataa xeerka anshaxa.
  5. Bixisaa qorshe taageero oo faahfaahsan ee qaxootiga.

Sideen ku noqdaa kafaala-qaade gaar ah?

Ka codso Welcome Corps. Waxaad u baahan doontaa inaad samayso koox kafaalo-qaad ah oo aad ka soo baxdo shuruudaha qaarkood sida hubinta taariikhda sooyaalka iyo diyaarinta qorshaha taageerada qaxootiga.

Kafiil-bixiyeyaasha waxay xarayn karaan hal codsi markiiba. Hal codsi ayaa noqon kara qof ama qoys.

Ma codsan karaa qof gaar ah oo aan kafaalo qaado?

Haa, waxaad dooran kartaa inaad kafaalo qaado qaxooti ama qoys gaar ah oo aad hore u taqaanay. Waa inaad ka codsataa Welcome Corps si aad u hehso gudbin oo aad bixisaa macluumaadka ku saabsan qofka aad doonayso inaad kafaalo qaado.

Badbaadada

Welcome Corps waxa ay leeyihiin dhawr tillaabo oo lagu hubinayo in hab-socodku yahay mid badbaado leh. Dhammaan kafaala-qaadayaasha gaarka ah waxay leeyihiin hubin sooyaal taariikheed waana inay u hoggaansamaan xeer-dhaqan adag. Qaxootigu waxa ay maraan habab baadhiseed oo rasmi ah oo ay ku jiraan waraysiyo badan, baadhitaan amni oo ay sameeyaan hay’adaha Maraykanka, iyo hubinta caafimaadka.Qaxootigu waa in ay ogaadaan in aan looga baahnayn in ay lacag bixiyaan, shaqeeyaan, ama u dhawaadaan qof kasta si ay u galaan barnaamijka. Codsiyo kasta oo noocaas ah waa in si degdeg ah loogu wargeliyaa Welcome Corps adigoo ug gubdinayo iimaylka [email protected].


Macluumaadka boggani wuxuu ka yimid Welcome Corps, Community Sponsorship Hub, ECDC, iyo ilo kale oo la aamini karo. Waxaan hiigsanaa inaan bixino macluumaad si sahlan loo fahmi karo oo si joogto ah loo cusbooneysiiyo. Macluumaadkani maaha talo sharci.

Share