Boggan waxaa markii ugu dambaysay la cusbooneysiiyay 5/25/2020. Wixii cusbooneysiin ah taariikhdaas kadib, fadlan tag bogga Ingiriisiga.
- English (English),
- አማርኛ (Amharic),
- العربية (Arabic),
- မြန်မာစာ (Burmese),
- 简体中文 (Chinese),
- 繁體中文 (Chinese (Traditional)),
- فارسی (Farsi),
- Français (French),
- Italiano (Italian),
- 日本語 (Japanese),
- Ikinyarwanda (Kinyarwanda),
- 한국어 (Korean),
- Português (Portuguese, Brazil),
- Русский (Russian),
- Español (Spanish),
- Kiswahili (Swahili),
- Tagalog (Tagalog),
- ไทย (Thai),
- Türkçe (Turkish),
- Українська (Ukrainian),
- اردو (Urdu),
- Tiếng Việt (Vietnamese)
Waqtigaan waamid aad ugu adag waalidiinta. Laakiin waxaa jiro wadooyin ay waalidku ku heli karaan waxii taageero ah sai ay u caawiyaan badqabka iyo caafimaadka caruurtooda.
Dhanka waalidka
Iskuulka ayaa ku caawini karo
Inkastoo sida badan caruurtu aynan aad uxanuunsanin, laakiin hadana way qaadi karaan feyraska . Damaan iskuuladii maraykan waa laxiray si’uusan xanuunkan usiifaafin. Waxayna ubadan tahay inaad kaheshay iskuulka cunugaaga warqad/akhbaar sheegaysa in iskuuladii laxiray. Laga yaabo in lagugu soo ogaysiiyay taleefoon , iimayl, ama aad ka ogaatay boga internetka(wabseetka) uuku leeyahay iskuulka.
Ma’ubaantahay inaad la hadasho qof kamida shaqaalaha iskuulka ilmahaaga? Waxaa laga yaabaa in aadan aqoonin qof aad wacdo. Saad u hesho iskuulka ilmahaaga, waxaad internetka ku qortaa “find my local school”/”raadi iskuulka deegaankayga” kadibna waxaad ka doorataa liiska soobaxay . Hadii aadan ka helin warbixintii aad ubaahnayd barta internetka ee iskuulka, waxaa isku daydaa inaad wacdo lambarka taleefonka iskuulka ee boga internetka kuqoran.
Shaqaalaha iskoolka wali way shaqaynayaan. Macalimiintu waxay bixinayaan”waxbarasho interneetka lagabaranaayo”. Tan macnaheedu waxay tahay inee sii wadaan wax barista ardayda in kasta oo ilmahaagu u guriga joogo. Waxaad lasoo xiriiri kartaa iskoolka cunugaaga hadii aad qabto wax su’aalo ah dhanka waxbarashada fog ee internetka.
Iskuulad badan ayaa hada kabixiya casharadooda oo ah qaab dhanka internetka si ay ardada guriga oogu sameeyaan. Iskuulad badan waxay leeyihiin nidaam ay ugu tala galeen qowsaska aan guryahooda aysan lahayn internet ama cumbuyutarka. Markaa haday hayaan nidaam, waad kasoo qaadan kartaa qalabka wax barshada iskuulka uu ilmahaagu dhigto si uu nidaamkaas iyo qalabkaas guriga wax ugu sii bartaa. Shaqaalaha iskuulka ayaa kuu sheegaya sida aad samaynayso/u isticmaalayso. Hadii aad isticmaasho iimayl, waxaan ubadinaynaa inaad haysato cinwaaka iimaylka ee macalin ilmahaaga. Hadii aad haysan cinwaanka macalinka ilmahaaga, kala xiriir iskuulka taleefoon.
Hadii ay caruurtaadu kaheli jireen cunto iskuulka xiligii uu furnaay wali way kahali karanaan iskuulka cunto. skoolkaaga ama degmadaadu ayaa ku siin doona macluumaad. Hadii aadan helin wax warbixin ah, laxiriir iskoolkaaga.
Iskooladu way xirnaan doonaan ilaa laga xalaadu amaan ka noqoneyso si skooladu loo furo. Go’aanka ah in iskooladu dib loofuro waxaa ku dhawaaqi doono saraakiisha caafimaadka guud. xoogso waaxda caafimaadka ee deegaankaaga. Boggan ayaa cusbooneysiiyay macluumaadka ku saabsan goorta ay iskuullada ka furi doonaan gobol kasta.
Qaar kamida xaananada caruurta iyo iskoolkada ayaa wali u furan shaqaalaha deg deg ah iyo shaqaalaha aan howlahooda aan laga maarmi karin. Hadii aad tahay shaqaalaha daruri ah, waxaad kaheli kartaa waxii warbixin ah xarunta caafimaadka ee deegaankaaga ama iskoolkaada.
Talooyinka loogu talagalay waalidiinta iyo caruurtooda marka guriga la’joogo
Xarunta kahortaga xanuunada eemaraykanka ee loosoo gaabiyo CDC waxa laga hela talobixintan waalidiinta:
- Aad isu xasili daganaan badana muuji.
- Marwalba udiyaar noqo inaad hadasho ood adna wax dhagaysato.
- Ka fogow luqadda eedeyn karto dadka kale una horseedi karto dhaleeceyn.
- Aad ooga foojignow waxa ay caruurtaadu ka daawanayaan mise ka maqlayaan taleefishika radiyowga mise kadaawanayaan internetka.
- Marwalba sii caruurta warbixin daacad ah hadana aan wax khalad ah aan ku jirin.
- Bar carruurta sida caafimaad u qabaan.
Hay’ada Save the Children ayaa ah hay’ad daryeesha caruurta aduunka meel walboo ay joogaan. Qabiiradeeda caruur ayaa leh naseexooyin aad ku kalsoonaan karto oo ku saabsan sida carruurtaada loogala hadlo koronafayras iyo COVD-19:
- Ahow qof haysta warbixintii udanbaysay waxii warbixin ah eed heshana adna dadka usii gudbi.
- Ku dadaal qaabkaaga oo ku saleysan cunuggaaga – ka fikir haddii macluumaad dheeri ah ka dhigo mid sii kordha ama ka walwalaya.
- Ugala hadal ilmahaaga mawduucan si dagan oo fudud –badanaa caruurtu waxay qaataan dooda waalidkood iyo waxa ay u sheegaanba.
- Waydii ilmahaaga waxa ay ka yaqaanaan, ooga jawaab su’aalaha ay kuwaydiinayaan kadibna kasax warbixinta khaldan ee ay haystaan.
- Wax ka’ogow waxa ay dareemayaan adigoo maskaxdooda dajinaya– “waanan dareemayaa inay ay tahay arin walbahaarkeede leh. Waxaan qaadanaynaa talaabooyinkii aan ku ilaalin lahayn caafimaadkaaga, aad baanan ugu diyaargarownay arinkaas. “
- Marwalba xasuusi waxa ay awoodaan oo ah inay iska dhaqaan marwalba gacmaha, gacantoo laaban ay afka kuqabtaan markay qofacayaan ama ay hindhisayaan, inbadana ay seexdaan, iyo wixii lamid ah.
- Unoqo tusaale ay kudaydaan caruurta dhanka nadaafada iyo faya dhowrka adigoo ugu soo gudbinaya qaab ay madadaalo ay kujirto! Ku hees hees aad jeceshahay adigoo gacmaha ku xoqaayo saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 sekan.
- hay’ada UNICEF waxay diyaarisay warbixino xanuunkan ah oo waalidiinta loogu talagalay kuna qoran luqadaha Carabi, Shiinaha, Ingiriis, Faransiis, iyo Isbaanish.
- Halkan waxaa ku yaal talo bixinno waa weyn oo waalidiinta loogu talagalay ka timid Ururka Caafimaadka Adduunka ku qoran Ingiriis iyo Isbaanish. Waanan ku dari doona luqaddo badan markii ay diyaar noqdaan.
- Khan Academy ayaa waxay bixisaa waxbarasho bilaash oo ku haboon da ‘walba taasoo kubaxaysa dhanka inernetka. Waa bogoga loogu talgalay waalidiinta kuwaasoo ku qoran luqaddo badan.
- Macadka The Child Mind Institute wuxuu hayaa talo bixinno loogu talagalay waalidiinta iyo fursad ay kula sheekaystaan fiidiyowga xirfadda leh.
Ee carruurta
Waa kuwan waxyaabo aad carruurtaada ka tusi karto kombuyuutarkaaga ama aaladda moobeelka.
- Aqri cajaa’ibka buuga coronofeyraska 25 looqadood. Waxay ka caawin doontaa qofkasta oo qoyska ka mid ah inay dareemaan fiicnaan! Waad soo dagsankartaa pdf ama ka aqrin kartaa khadka tooska ah.
- Ka daawo fiidiyowyasha Sesame Street oo ku saabsan nadaafadda coronaferaska.
- Akhri Joornaal coronavirus ee Carabi.
- Akhri ‘The Flying Science’ Carabi ama Ingiriis.
- Uraadi caruurta macluumaadka coronafeyraska ee Isbaanish.
- Ka hel macluumaadka coronavirus-ka carruurta da’doodu u dhaxayso 3-6 iyo 7–12 iyo da ‘yarta ku jirta 35 luqadood.
- Colorin Colorado waxay leedahay ilo waxbarasho oo ah Ingiriis iyo Isbaanish.
- Booksmart waa barnaamij leh boqolaal buug oo Ingiriis ah, Carabi, Hindi iyo Isbaanish ah.
- Akadeemiyada Khan waxay leedahay fasalo khadka tooska ah loogu talagalay carruurta da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 18 .
- Waad badali kartaa luqadaha bogga hoose. Si aad ubilowdo, ugudub bogga ku saabsan barashada fog marka lagu jiro xirtaanka dugsiga.
- Waxbarista Heroes waxay leedahay ilo loogu talagalay carruurta iyo waalidiinta oo ku jirta Ingiriis iyo Isbaanish.
- Usoo dejiso liistaka bogagga wanaagsan l oo wabseedyada oogu talagalay carruurta.
Macluumaadkaan wuxuu ka imaadeen ilo lagu kalsoon yahay, sida UNICEF, Badbaadinta carruurta , iyo Xarumaha Xakamaynta Cudurrada iyo Ururka Caafimaadka Adduunka. USAHello ma bixiso talo sharci iyo talo caafimaad, mana jiraan wax aaladeena ah oo loogu talagalay in loo qaado talo sharci iyo caafimaad.